U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Booqday Ciidankii Lagu Tababarayay Eritrea

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo safar ku jooga dalka ritrea ayaa maanta booqday xerada ay ku jiraan askar Soomaaliyeed, kuwaas oo tabar loo geeyay Eritrea, waxaana muddooyinkii dambe kasoo baxayay warar kale duwan oo ku saabsan ciidankaas xogtooda saxda ah.

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa madaxweyne Xasan Shiikh geeyay xerada ay ku xareysan yihiin, iyagoo goobtaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka tabarka ku jira, waxaana tirada ciidanka lagu sheegay 5000 iyo dhowr boqol oo askari oo dowladdii hore ay geysay halkaasi oo sanado ay ku jireen.

Ciidankaan ayaa waxaa dhowaanahaan kasoo baxayay hadallo kale duwan, waxaana 2021-kii  markii uu qarxay dagaalkii dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ee gobolka Tigray lasoo sheegay in ciidanka qaarkii ay ka barbar dagaalameen kuwa dowladda Ethiopia iyo Eritrea oo caawinaysay, iyadoo la xusay in qaarkood geeriyoodeen.

Dowladda Madaxweyne Xasan ayaa looga fadhiyaa in ay warbixin buuxda kasoo gudbiso ciidanka kusugan halkaas, oo qaar kamid waalidiintooda ay sheegeen in caruurtooda lagu dilay dagaalkii Itoobiya, mana jirin xog sax ah oo ku aadan warkaas  oo ay ka tagtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan oo safar afar maalin ah ku jooga dalkaas ayaa waxaa lagu wadaa sidoo kale sida warar hoose oo la helayo ay sheegayaan inuu madaxweyne Isaias Afwerki uu kala hadlo heshiis Farmaajo uu la galay dalkaas iyo Itoobiya, kaas oo aan lasoo marin Baarlamaankii 10-aad, sidoo kale aan loo faahfaahin shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News