Militariga maamulka Israa’iil ayaa dalbaday in si degdeg ah loo caddeeyo mustaqbalka marinka Qasa, ayagoo ka horyimid in Xukuumadda Tel Aviv ay dhulkaas wada qabsato oo gumaysato.
TV-ga Channel 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo-wareed militari ayaa sheegay in ciidanku ay ka soo horjeedaan qabsashada gebi ahaanba Qasa, islamarkaana ay ku talinayaan in la soo gabagabeeyo heshiiska isdhaafsiga maxaabiista , iyo in hoggaanka ciidamada oo uu ugu horreeyo Talisku ay dalbanayaan in madaxda siyaasaddu ay go’aan cad ka qaataan mustaqbalka Qasa.
Maamulka Trump ayaa si weyn u doonayo in la soo afjaro dagaalka Qasa, balse Xamaas meesha laga saaro, gacan kaloo Mareykanka iyo Tel Aviv ay raali ka yihiinina ay maamusho marinkan go’doonsan ee masiibooyinku daashadeen.