Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday maqaaxi (tavern) ku taalla gobolka Gauteng ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen booliiska.
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Wedela, oo ku yaalla koonfur-galbeed magaalada Johannesburg, ayadoo adeegyada gurmadka degdegga ah uu sheegay in dhammaan 17-ka qof lagu dhawaaqay inay ku dhinteen goobta, kaddib markii ay ciidamada gurmadku halkaas gaareen.
Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in sababta ka dambeysa toogashada aan weli la ogeyn, iyadoo baaritaanno lagu raadinayo xog ku saabsan ujeeddada weerarka iyo cidda ka dambeysay ay socdaan.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay baadi-goob ay ku raadinayaan siddeed qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarka. Booliisku waxay sheegeen in tuhmanayaasha la sheegay inay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47 iyo bistoolado.
Dhaawacyada 15-ka qof ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo aan weli la shaacin xaaladdooda caafimaad.
Booliiska ayaa wada baaritaanno iyo howlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto tuhmanayaasha, halka faahfaahin dheeraad ah laga sugayo hay’adaha ammaanka iyo baarayaasha.
Dhacdadan ayaa mar kale soo cusboonaysiisay walaaca laga qabo toogashooyinka ka dhaca goobaha dadweynaha ee Koonfur Afrika, gaar ahaan weerarrada lagu bartilmaameedsado goobaha lagu kulmo iyo madadaalada.