Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa qorsheynaya kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan taliyeyaasha ciidamada saddexda dal, iyadoo xaaladda Yemen ay sii xumaaneyso, isla markaana weerarro cusub laga soo sheegay gudaha Sacuudiga.
Go’aanka kulanka ayaa yimid kadib kulan Khamiistii magaalada New York ku dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu eegay sidii Sacuudiga loo taageeri lahaa iyadoo la adeegsanayo heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee saddexda dal.
Heshiiska Mecca Joint Defence Agreement ayaa la kala saxiixday 7-dii Agoosto, waxaana uu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arko weerar lagu qaaday dhammaan saddexda waddan.
Heshiiska ayaa sidoo kale saldhig u noqonaya ballaarinta iskaashiga difaaca iyo isku-duwidda milatari ee Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, ayadoo 31-kii Agoosto, wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada saddexda dal ay ku kulmeen Istanbul, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la dhiso xoghayn ku taalla Sacuudiga iyo in la kordhiyo wada-shaqeynta dhinaca milatariga.
Kulanka saddexda dal ayaa kusoo beegmaya iyadoo Sacuudiga uu sheegay in uu wajahayo weerarro cusub oo kasoo socda Yemen, ayadoo
Riyadh ay sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay soo rideen lix gantaal oo ballistic ah oo loo waday dhinaca magaalooyinka Taif iyo Yanbu.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in digniino amni laga bixiyay dhowr goobood, balse markii dambe la sheegay in khatartii ay dhammaatay.
Dhanka kale, Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ay ku bartilmaameedsadeen goob ay ku tilmaameen “xasaasi” oo ku taalla Riyadh iyo xarumo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco ee magaalada Yanbu.
Afhayeenka isbahaysiga Sacuudiga, General Turki al-Malki, ayaa sheegay in haddii weerarradu sii kordhaan ay jawaab adag ka bixin doonaan.
Dhanka Yemen, dagaallo culus ayaa ka socda dhowr jiho, iyadoo ciidamada dowladda iyo Xuutiyiintu ay isku hayaaan goobo istiraatiiji ah, waxaana warbixin ay AFP soo xigatay ay sheegtay in dagaalladii 24-kii saacadood ee ka horreeyay Jimcihii ay ku dhinteen ugu yaraan 150 dagaalyahan, kuwaas oo 98 ay ahaayeen dhinaca ciidamada dowladda, halka 52 ay ka tirsanaayeen Xuutiyiinta.
Dagaallada ayaa laga soo sheegay agagaarka buuraha Kahboub iyo dhulka u dhexeeya Lahj iyo Taiz, oo ku dhow marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale lagu soo warramay inay xoojiyeen joogitaankooda xeebaha Badda Cas, taas oo kordhisay walaaca laga qabo amniga marinka Bab al-Mandeb, oo ah waddo muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Dagaallada ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka rayidka ah, waxaana UNHCR ay sheegtay in in ka badan 230,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda tan iyo bilowgii Sebtembar, halka dadka gudaha Yemen horey ugu barakacay ay gaarayaan ku dhowaad 5.2 milyan.