Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo uu khudbad ka jeedinayo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli xiisadaha siyaasadeed ee ku saabsan dagaalka Gaza iyo xiriirka Israa’iil iyo beesha caalamka ay si weyn uga muuqdaan shirka.
Netanyahu ayaa sheegay inuu khudbaddiisa ku difaaci doono Israa’iil iyo ciidamadeeda, isagoo ku dooday in dalkiisa uu wajahayo eedeymo uu ku tilmaamay kuwo been ah.
Kahor khudbaddiisa, wuxuu ballanqaaday inuu ka hortagi doono waxa uu sheegay inay yihiin warar marin-habaabin ah oo laga faafinayo Israa’iil iyo ciidamadeeda.
Dhanka kale, Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aaddan Netanyahu, isagoo sheegay in dadka reer New York ay xaq u leeyihiin inay si nabad ah uga mudaaharaadaan booqashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil.
Mamdani wuxuu arrintan la xiriiriyay amar qabasho oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) horay uga soo saartay Netanyahu.
Mamdani ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay inuu Netanyahu yahay qof uu u arko inuu yahay dambiile dagaal iyo mas’uul ka tirsan waxa uu ku sheegay xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiin.
Hadalladaas ayaa dhaliyay jawaab adag oo ka timid Netanyahu, kaas oo duqa New York ku eedeeyay inuu taageerayo Xamaas, isla markaana uu hurinayo rabshado ka dhan ah bulshada Yuhuudda ee magaalada.
Mas’uuliyiin ka tirsan ururka booliiska New York ayaa iyaguna ka digay in hadallada siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ay kordhin karaan xiisadaha iyo dibadbaxyada ka dhacaya magaalada inta uu Netanyahu ku sugan yahay New York.
Dhanka kale, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo si adag u dhaliilay Mareykanka iyo Israa’iil.
Pezeshkian wuxuu sheegay in Iiraan aysan ka tanaasulin mowqifkeeda inkastoo ay wajahday weerarro, balse wuxuu sidoo kale muujiyay in Tehran ay diyaar u tahay wada-hadal.
Intii uu madaxweynaha Iiraan khudbadda jeedinayay, wafdi Mareykan ah ayaa isaga baxay hoolka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo muujisay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Si kastaba ha ahaatee booqashada Netanyahu ee New York ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu noqday madal ay si weyn uga muuqdaan khilaafaadka ku saabsan dagaalka Gaza, siyaasadda Israa’iil, iyo xiisadda u dhexeysa Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan.
Khudbadda Netanyahu iyo jawaabaha ka dhasha ayaa la filayaa inay sii kordhiyaan doodda caalamiga ah ee ku saabsan dagaalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.