U bood dhigaalka

TPLF la wareegtay garoonka diyaaradaha ee Mekelle iyo duulimaadyadii oo hakad galay

Sebteembar 23, 2026

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire ee gobolka Tigray, iyadoo shirkaddu ku sababaysay go’aanka “xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigray.”

Shirkaddu waxay sheegtay in hakinta duulimaadyadu ay dhaqan gashay Arbacada, 23-ka Sebtembar 2026, iyadoo raalli-gelin ka bixisay dhibaatada ay tani ku keeni karto rakaabka. Ethiopian Airlines waxay sidoo kale sheegtay inay macaamiisha ogeysiin doonto marka duulimaadyada magaalooyinkan dib loo bilaabo.

Go’aanka shirkadda ayaa kusoo beegmaya iyadoo ilo amni iyo kuwo maxalli ah ay sheegeen in ciidamo Tigray ah ay la wareegeen garoonka caalamiga ah ee Alula Aba Nega, oo ku yaalla magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray.

Sida ay Reuters u werisay, laba ilo maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay garoonka kala wareegeen ciidamo boolis federaal ah habeenkii, inkastoo aanay dowladda federaalka Itoobiya iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso si degdeg ah uga jawaabin wararkaasi.

Warbixinno kale oo ay soo xigatay AFP ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Tigray ah lagu arkay agagaarka garoonka, iyadoo shaqaale ka tirsan garoonka uu sheegay in loo sheegay in garoonka la wareegeen ciidamada Tigray, taasina ay sababtay in shaqaalihii dib loogu celiyo guryahooda.

Hakinta duulimaadyada ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo hoggaanka Tigray uu mar kale wajahayo xiisad.

TPLF, oo ah xoogga siyaasadeed ee ugu weyn Tigray, ayaa bishan ku biirtay isbahaysi ay sameeyeen toddobo kooxood oo hubaysan oo Itoobiya ka kala socda, kuwaas oo sheegay inay doonayaan inay ka hor yimaadaan dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Xiisaddan ayaa dib u soo cusboonaatay inkastoo labada dhinac ay Nofeembar 2022 kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo soo afjaray dagaalkii Tigray ee 2020–2022.