U bood dhigaalka

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka oo maanta dunida laga xusayo

Sebteembar 21, 2026

21-ka Sebtembar sannad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda (International Day of Peace), oo ay Qaramada Midoobay u asteeysay in lagu xoojiyo dadaallada nabadda, wada-hadalka iyo joojinta colaadaha ka dhex jira bulshooyinka iyo dalalka.

Maalintan waxaa markii ugu horreysay la asteeyay sanadkii 1981-kii, kaddib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu meel mariyey Qaraarka 36/67.

Maalinta Nabadda markii ugu horreysay waxaa la xusay Sebtembar 1982, iyadoo markii dambe, sannadkii 2001, Golaha Guud si wadajir ah u go’aamiyey in 21-ka Sebtembar loo aqoonsado maalin joogto ah oo loogu talagalay nabad, rabshad-la’aan iyo xabbad-joojin caalami ah.

Mawduuca Maalinta Nabadda ee sannadkan 2026 ayaa ah “Maalgeli Nabadda: Qof kasta, meel kasta, maalin kasta.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nabaddu aysan ku koobnayn maqnaanshaha dagaalka oo keliya, balse ay sidoo kale tahay helitaanka amniga, karaamada, fursadaha iyo iskaashiga nolol maalmeedka.

Mawduuca sanadkan wuxuu si gaar ah u xoojinayaa doorka dadka iyo bulshada ee dhismaha nabadda, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-hadalka, isu-soo-dhawaanshaha iyo xalinta khilaafaadka si nabadeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa farriintiisa 2026 ku sheegay in dunidu wajahayo rabshado iyo kala-qaybsanaan sii kordhaya, balse uu xusay in mutadawiciin, bulshada rayidka ah, nabaddoonno iyo dadka u ololeeya nabadda ay ka shaqeynayaan isku-xirka bulshooyinka iyo dhiirrigelinta wada-hadalka.

Maalintan ayaa sidoo kale ah fursad lagu xusuusto dadka ku nool dalalka ay saameeyeen dagaallada iyo colaadaha, iyadoo loo jeedinayo baaq ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, diblomaasiyad iyo heshiis, halkii laga adeegsan lahaa rabshad.

Qaramada Midoobay waxay ku boorrisay dowladaha, ururrada bulshada iyo shacabka caalamka inay maalintan uga faa’iideystaan wacyigelinta nabadda, waxbarashada iyo dhiirrigelinta tallaabooyinka yaryar ee gacan ka geysan kara nabad waarta.

Maalinta Caalamiga ah ee Nabaddu waxay xambaarsan tahay farriin ku wajahan dhammaan bulshada caalamka oo ay kamid yihiin in nabaddu aysan ahayn masuuliyad dowlado iyo hay’ado caalami ah oo keliya, balse ay tahay hawl ay si wadajir ah uga qayb qaadan karaan bulshooyinka, dhalinyarada, haweenka, culimada, aqoonyahannada iyo qof kasta oo doonaya nolol ku dhisan amni, wada noolaansho iyo is-ixtiraam.