U bood dhigaalka

God dahab ah oo ku dumay waqooyiga Suudaan, ugu yaraan 10 qof oo dhintay

Sebteembar 21, 2026

God dahab laga qodo oo ku yaalla waqooyiga Suudaan ayaa dumay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka 21 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad ka badbaaday shilkan.

Burburka ayaa Sabtidii ka dhacay godad ku yaalla deegaanka Awny, oo u dhow xuduudda Suudaan iyo Masar, ayadoo Ilaa subaxnimadii Axadda, meydadka 10 qof laga soo saarayay burburka, halka 21 macdan-qode oo dhaawac ah laga soo badbaadiyay goobta.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday shilka ayaa sheegay in hawlgalka samatabbixinta ay inta badan sameynayeen macdan-qodayaasha laftooda, iyadoo aysan haysan qalab ku filan oo lagu fududeeyo baaritaanka iyo ka saarista dadka ku hoos jira burburka.

Waxaa sidoo kale jiray walaac laga qabay in macdan-qodayaal kale ay weli ku hoos jiraan dhagxaanta iyo ciidda, iyadoo baaritaanku uu socday.

Shilkan ayaa mar kale iftiimiyay khatarta ka jirta macdan-qodista yar-yar ee aan si rasmi ah loo nidaamin ee Suudaan, xilli dad badan, gaar ahaan dhalinyaro, ay ku tiirsanyihiin shaqada macdan-qodista iyagoo adeegsanaya qalab fudud, taasoo keenta in godadka aan si wanaagsan loo xoojin ay si joogto ah u dumaan.

Shilkan ayaa sidoo kale dhacay hal toddobaad gudihiis kadib burbur kale oo ka dhacay gobolka Kordofan, halkaas oo ugu yaraan 82 qof lagu soo warramay inay ku dhinteen god dahab laga qodayay, iyadoo tobannaan kalena ay dhaawacmeen.

Macdan-qodista dahabka ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Suudaan, iyadoo macdan-qodista yar-yar ay shaqo siiso in ka badan laba milyan oo qof, sida ay sheegaan xogaha warshadaha.

Si kastaba, dagaalka Suudaan ka socda tan iyo Abriil 2023 ayaa xaaladda uga sii daray, iyadoo dahabku uu sidoo kale noqday il dhaqaale oo muhiim u ah dhinacyada ku dagaallamaya dalka.