Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka, Denmark iyo Greenland ay gaareen heshiis cusub oo lagu ballaarinayo joogitaanka militariga Mareykanka ee Greenland, iyadoo sidoo kale la xaddidayo awoodda dalalka aan xulafada la ahayn Mareykanka ee ay saldhigyo ama maalgashi xasaasi ah ka sameysan karaan jasiiradda.
Trump ayaa sheegay in heshiisku siinayo Washington awood joogto ah oo ay ku xaqiijiso amniga Greenland iyo danaha amni ee Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in aanay jirin waqti uu heshiisku ku egyahay, isla markaana dalalka Mareykanka ka soo horjeeda aan loo oggolaan doonin inay saldhigyo ciidan ka sameystaan Greenland ama ay sameeyaan maalgashi xasaasi ah iyada oo aan oggolaansho laga helin Mareykanka.
Denmark iyo Greenland ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo amniga gobolka Arctic-ga iyo Waqooyiga Atlantic, isla markaana uu ilaalinayo madax-bannaanida Denmark iyo xaqa dadka Greenland ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda.
Ra’iisul Wasaaraha Greenland, Jens-Frederik Nielsen, ayaa sheegay in heshiisku uu aqoonsanayo danaha Greenland iyo kaalinta ay ku leedahay iskaashiga caalamiga ah.
Dhanka kale, dowladda Denmark waxay tilmaantay in heshiisku yahay mid lagu xoojinayo amniga wadajirka ah ee Arctic-ga iyo Waqooyiga Atlantic.
Heshiiskan ayaa imanaya kadib bilo uu Trump si joogto ah u muujinayay danaha Mareykanka ee Greenland, xitaa isagoo horey u sheegay in Washington ay dooneyso inay gacanta ku dhigto jasiiradda.
Denmark iyo Greenland, ma wareejinayo lahaanshaha ama madax-bannaanida Greenland, balse wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga amniga iyo ballaarinta joogitaanka militariga Mareykanka.
Mareykanka wuxuu horey Greenland uga haystay joogitaan militari, waxaana heshiiskii 1951 ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Denmark uu Washington siiyay xuquuq ballaaran oo ku saabsan isticmaalka saldhigyada iyo hawada Greenland.
Heshiiska cusub ayaa u muuqda inuu sii ballaarinayo ama adkeynayo nidaamkaas, iyadoo Mareykanku qorsheynayo joogitaan militari oo ka ballaaran kan hadda jira.
Waxaa sidoo kale la sheegay in heshiiska si rasmi ah loo saxiixi doono inta lagu guda jiro shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York toddobaadka soo socda, balse weli wuxuu u baahan yahay in la maro habraacyada baarlamaanada Denmark iyo Greenland ka hor inta uusan si buuxda u dhaqan gelin.
Haddaba, heshiiskan wuxuu calaamad u noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada qaabka amniga Arctic-ga, iyadoo Mareykanku doonayo inuu xoojiyo joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Greenland, halka Denmark iyo Greenland ay ku adkeysanayaan in madax-bannaanidooda iyo xaqa dadka Greenland ee aayo-ka-tashiga ay sii ahaanayaan kuwo la aqoonsan yahay.