U bood dhigaalka

In ka badan 3,000 oo Yemeni ah oo qaxooti ah ayaa gaaray xeebaha Jabuuti

Sebteembar 17, 2026

In ka badan 3,000 oo qaxooti Yemeni ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa gaaray xeebaha waqooyi ee dalka Jabuuti, gaar ahaan nawaaxiga Obock, kadib markii ay ka gudbeen marin-biyoodka Bab al-Mandab iyagoo raadinaya badbaado iyo meel ay uga cararaan xaaladaha adag ee ka jira Yemen.

Qaxootigan ayaa ka mid ah dadka Yemeniyiinta ah ee ka tallaaba marin-biyoodka Bab al-Mandab, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo u gudbaya dhanka Geeska Afrika.
Hay’adda Qatar Charity ayaa bilowday gurmad bani’aadamnimo oo degdeg ah oo loogu talagalay qaxootiga cusub ee gaaray Jabuuti.

Hay’addu waxay sheegtay inay hal milyan oo doollar ($1 milyan) u qoondeysay marxaladda hore ee gurmadka, iyadoo lacagtaas lagu bixinayo baahiyaha aasaasiga ah ee qaxootiga.

Gargaarka waxaa ka mid ah hoy degdeg ah, bustayaal iyo dhar, cunto, iyo sidoo kale biyo nadiif ah oo la cabbo iyo adeegyada fayadhowrka.

Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in qaxootiga la gaarsiiyo daryeel caafimaad oo aasaasi ah iyo taageero dhinaca nafaqada ah, gaar ahaan hooyooyinka iyo carruurta oo ka mid ah dadka sida weyn ugu nugul xaaladaha bani’aadamnimo.