U bood dhigaalka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta ee Maka iyo Madiina

Sebteembar 16, 2026

Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay sheegtay in kooxda Xuutiyiinta ay ku qaaday magaalada barakeysan ee Maka iyo gobolka Madiina, iyo sidoo kale waxa ay ku tilmaantay weerarrada sii socda ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

OIC ayaa sheegtay in weerarradaasi ay cabsi ku abuureen shacabka rayidka ah, isla markaana ay xadgudub ku yihiin xurmada goobaha barakeysan iyo masaajidda, taas oo ay tilmaantay inay dhaawacayso dareenka Muslimiinta dunida.

Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in falalka ay ku tilmaantay kuwo ay geysteen Xuutiyiintu oo lagu beegsaday goobaha barakeysan, masaajidda iyo kaabayaasha rayidka ay yihiin falal argagixisanimo oo ka hor imanaya qiyamka Islaamka iyo xeerarka, mabaadi’da iyo shuruucda caalamiga ah.

Xoghaynta Guud ee OIC waxay carrabka ku adkaysay in xadgudub kasta oo lagu sameeyo xurmada goobaha barakeysan uu yahay arrin aan la aqbali karin, iyadoo ku baaqday in laga hortago cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato goobahaas.

Dhanka kale, OIC waxay sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna taageersan tahay tallaabooyinka ay Riyadh qaaddo si ay uga hortagto weerarrada, u ilaaliso xurmada goobaha barakeysan iyo nolosha Muslimiinta, isla markaana ay u difaacdo amniga iyo madaxbannaanida dalka.