Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay East-West Pipeline, oo ah dhuumaha shidaalka ee muhiimka u ah dhoofinta saliidda dalka, kadib markii dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn lagu weeraray qaybo ka mid ah dhuumahaas.
Riyadh ayaa sheegtay in diyaaradaha weerarka geystay ay ka yimaadeen dhulka Ciraaq, ayadoo
Weerarku uu ka dhacay deegaannada Riyadh iyo Madiina, waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhuumaha.
Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in xiritaanka dhuumaha uu yahay tallaabo taxaddar ah, iyadoo kooxaha farsamada iyo gurmadka ay qiimeynayaan khasaaraha.
East-West Pipeline, oo dhererkiisu yahay qiyaastii 1,200 kiiloomitir, wuxuu isku xiraa goobaha saliidda laga soo saaro ee bariga Sacuudiga iyo dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas.
Muhiimadda dhuumahan ayaa si weyn u korortay kadib markii dagaalka gobolka uu sababay in maraakiibta shidaalka ay si weyn ugu adkaato inay maraan Marinka Hormuz.
Dhuumahan ayaa Sacuudiga u saamaxaya inuu saliidda u gudbiyo Badda Cas, kadibna halkaas uga dhoofiyo suuqyada caalamka, isaga oo aan ku tiirsanaan marin-biyoodka Hormuz.
Reuters ayaa sheegtay in dhuumuhu qaadi karaan malaayiin fuusto oo saliid ah maalintii, iyadoo isticmaalka dhuumaha uu kordhay xilli maraakiibta maraysa Hormuz ay aad hoos ugu dhaceen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa si adag u cambaareysay weerarka, balse waxay sheegtay in aysan xilligan ka jawaabayn militari ahaan, kadib codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo doonaya in dowladda Ciraaq loo daayo fursad ay ku baarto cidda ka dambeysay weerarka.
Ciraaq ayaa dhankeeda cambaareysay weerarka, waxayna bilowday baaritaan lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay, wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciraaq ay tallaabooyin amni qaaday, iyadoo xilka laga qaaday taliye milatari kadib markii la sheegay in weerarku ka soo bilowday dhulka Ciraaq.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha gobolka ay sii xoogeysanayaan, dhinaca Yemen, Xuutiyiinta oo xiriir dhow la leh Iiraan ayaa cadaadis ku kordhiyay maraakiibta iyo marinnada ganacsi ee Badda Cas iyo Bab al-Mandab, wuxuuna Sacuudigu hadda wajahayaa xaalad adag oo dhinaca dhoofinta shidaalka ah maadaama uu Hormuz oo khatar ku jiro, halka waddada kale ee Badda Casna ay gacanta u gashay kooxda Xuutiyiinta.