U bood dhigaalka

Pakistan oo duqeymo ka fuliyay Afghanistan, iyadoo Kabul ay sheegtay dhimashada Haween iyo Carruur

Oktoobar 1, 2026

Pakistan ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gudaha Afghanistan, iyadoo Islamabad ay sheegtay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday xeryo iyo goobo ay ku dhuumanayeen kooxo hubeysan, isla markaana lagu dilay 22 dagaalyahan.

Duqeymaha ayaa dhacay habeenkii Arbacada, waxaana Pakistan ay sheegtay in bartilmaameedyadu la xiriireen kooxaha hubeysan ee ay ku eedeyso inay weerarro ka geystaan gudaha Pakistan.

Dhanka kale, dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in duqeymaha ka dhacay gobollada Kunar iyo Helmand ay ku dhinteen ugu yaraan 9 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka dowladda Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in saddex guri ay ku burbureen weerarrada, isagoo si adag u cambaareeyay duqeymaha.

Pakistan ayaa muddooyinkii u dambeeyay Afghanistan ku eedeynaysay inay dhulkeeda u oggolaanayso kooxo hubeysan, gaar ahaan Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), inay halkaas ka abaabulaan weerarro ka dhan ah Pakistan.

Dowladda Afghanistan ayaa eedeymahaas diidday, waxayna Islamabad ku eedeysay inay duqeymo ka fuliso gudaha Afghanistan, kuwaas oo ay sheegtay inay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah.

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ayaa mar kale sare u kacday kadib muddo ku dhow saddex bilood oo xaaladdu ahayd mid deggan, ayadoo Labada dhinac ay weli si kala duwan uga warbixinaya cidda la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha.