U bood dhigaalka

Rabshado ka dhex dhacay Diyaaradda Flydubai oo ka duushay Dubai una socotay Israa’iil

Sebteembar 30, 2026

Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda Flydubai, taas oo ka duushay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday Israa’iil, ayaa si degdeg ah ugu degtay dalka Sacuudiga kadib markii ay la kulantay xaalad degdeg ah.

Shirkadda Flydubai ayaa xaqiijisay in diyaaradda ay la kulantay dhacdo xilli ay ku sii jeedday halka ay u socotay, balse ay si nabad ah ugu degtay garoonka Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga.

Shirkaddu waxay sheegtay in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ay badqabaan, isla markaana la xisaabiyay.

Xogta la heli karo ee la socodka duulimaadyada ayaa muujisay in diyaaradda, oo ahayd Boeing 737 Max 8, ay si lama filaan ah hoos ugu dhacday jooggeeda.

Sida xogta Flightradar laga soo xigtay, ayaa sheegtay in diyaaraddu ay muddo kooban gudaheed uga soo degtay ku dhowaad 34,000 oo fuudh ilaa wax ka yar 17,000 oo fuudh.

Warbaahinta Israa’iil ayaa tabisay in digniinta loo yaqaan “faragelin sharci-darro ah” ay suuragal tahay inay la xiriirtay muran dhex maray duuliyeyaasha diyaaradda, iyadoo warbixinnadaasi ay soo xiganayeen saraakiil Israa’iili ah.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa warbaahinta Israa’iil u sheegay inay maqleen qaylo ka timid qaybta hore ee diyaaradda, isla markaana ay dareemeen diyaaradda oo si xooggan hoos ugu dhacaysa ka hor inta aysan ku degin Tabuk.

Dhanka kale, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay diyaarinayso sidii rakaabka Israa’iiliyiinta ah ee diyaaradda saarnaa si ammaan ah loogu soo celin lahaa Israa’iil.

Dhacdadan ayaa sidoo kale keentay in madaxda militariga Israa’iil ay qiimeyn ka sameeyaan xaaladda, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir, uu kulan la qaatay saraakiil sare.

Shirkadda Flydubai ayaa sheegtay inay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto dhacdada marka ay soo baxaan xog dheeraad ah, xilli duulimaadyada u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay yihiin kuwo si joogto ah u socda tan iyo markii labada dal ay xiriirkooda caadiyeeyeen sanadkii 2020.