U bood dhigaalka

Turkiga iyo Qatar oo cambaareeyay weerar ay degganayaal Israa’iiliyiin ah ku galeen Al-Aqsa

Sebteembar 28, 2026

Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa si adag u cambaareeyay gelitaanka kooxo ka mid ah degganayaasha Israa’iil ay ku galeen barxadda Masjidka Al-Aqsa ee Qudus, iyadoo la sheegay in ciidamada Israa’iil ay ilaalinayeen dadkaasi xilli ay gudaha u galayeen goobta barakeysan.

Turkiga ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay yihiin kuwo sii kordhin kara xiisadda ka taagan Qudus, isagoo ku baaqay in la dhowro xaaladda taariikheed iyo sharci ee Masjidka Al-Aqsa, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo wax ka beddeli karta xaaladda goobta.

Qatar ayaa iyaduna cambaareysay waxa ay ku tilmaantay sii socoshada duullaannada degganayaasha Israa’iiliyiinta ah ee Al-Aqsa, iyadoo sheegtay in gelitaanka lagu sameeyay iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Israa’iil.

Doha waxay ku tilmaantay arrintan xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo tallaabo kicin karta dareenka Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta, ayadoo Dowladda Qatar waxay sidoo kale ku adkaysatay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay goob cibaado oo muhiim u ah Muslimiinta, iyadoo diidday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu beddeli karo xaaladda taariikheed iyo sharci ee goobta barakeysan.

Labada dal ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo goobaha barakeysan ee Qudus, lagana fogaado tallaabooyinka sii hurin kara xiisadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan tahay xiisad xooggan oo ku saabsan xaaladda Masjidka Al-Aqsa iyo goobaha barakeysan ee Qudus, iyadoo gelitaanka kooxaha degganayaasha Israa’iiliyiinta ah iyo joogitaanka ciidamada Israa’iil ay marar badan dhaleeceyn kala kulmaan dhinacyada Falastiiniyiinta iyo dowlado ka tirsan gobolka.