U bood dhigaalka

Trump oo diiday soo shuruud Iiraan ay ku xirtay dib-u-furista marin-biyoodka Hormuz

Sebteembar 27, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday shuruudo ay Iiraan u gudbisay Washington, taas oo ku saabsan dib u furista Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu socodka shidaalka iyo badeecadaha caalamka.

Trump oo Sabtidii la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu gacanta ku hayo xaaladda marinka, isagoo xusay in tiro maraakiib ah ay ka gudbeen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay doonayso heshiis, balse uu sheegay in shuruudaha ay soo bandhigtay aysan Washington u cuntami karin.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Seyed Abbas Araghchi, ayaa Jimcihii sheegay in Tehran ay Mareykanka u sii marisay Qatar qorshe faahfaahsan oo lagu doonayo in Marinka Hormuz dib loogu furo muddo toddoba maalmood gudahood ah, haddii la buuxiyo shuruudo ay Iran soo bandhigtay.

Araghchi wuxuu sheegay in muddada toddobada maalmood ah ay bilaabanayso marka Washington ay aqbasho qorshaha, waxaana sida uu sheegay, Mareykanka looga baahan yahay inuu qaado tallaabooyin ay Iiraan u aragto inay qaadan karaan afar ilaa shan maalmood, kadibna maalinta lixaad marinka la furo.

Wuxuu intaas ku daray in maalinta toddobaad ay bilaaban doonaan wada-hadallo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan qodobbada labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Wasiirka Iiraan ayaa sheegay in tallaabooyinka laga doonayo Mareykanka aysan ahayn wax cusub, balse ay hore ugu jireen is-afgarad ay labada dhinac saxiixeen bishii Juun.

Hadallada iska soo horjeeda ee Trump iyo Araghchi ayaa muujinaya in weli uu jiro farqi u dhexeeya labada dhinac oo ku saabsan shuruudaha dib loogu furayo Marinka Hormuz iyo sida loo bilaabi karo wada-hadallada tooska ah.

Marinka Hormuz ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo sahayda tamarta caalamka, waxaana xaalad kasta oo saameysa isu socodkiisa ay yeelan kartaa saameyn ku saabsan qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dalal badan.