U bood dhigaalka

Ugu yaraan 41 qof oo ku dhintay doon ku degtay harada Tanganyika ee dalka DRC Congo

Sebteembar 25, 2026

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay, halka 49 kalena la soo badbaadiyey, kaddib markii doon ay saarnaayeen ku dhowaad 100 qof oo rakaab iyo xamuul ah ay ku rogmatay harada Tanganyika ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Doontan ayaa ka ambabaxday dekedda Kigoma ee dalka Tanzania, iyadoo ku sii jeedday magaalada Kalemie ee DRC, waxaana ay ku degtay meel u dhow tuulada Mapera habeenkii Khamiista.

Mas’uuliyiinta gobolka Tanganyika ayaa sheegay in hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay weli socdaan, iyadoo kooxaha gurmadku ay raadinayaan rakaab kale oo laga yaabo inay ku jireen doonta markii ay rogmatay.

Ilaa hadda lama xaqiijin tirada saxda ah ee dadka la la’yahay, sidaas darteed waxaa suuragal ah in tirada dhimashada ay isbeddesho marka hawlgallada gurmadku sii socdaan.

Mid ka mid ah dadka ka badbaaday shilkan, Annie Moyoni, ayaa Radio Okapi u sheegtay in rakaabka laga kiciyey hurdada abbaaraha 1:00 habeenimo, kaddib markii ay ogaadeen in doontu hal dhinac u janjeertay.

Shilkan ayaa mar kale soo bandhigay khatarta ka jirta gaadiidka biyaha ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo doonyuhu ay door muhiim ah ka ciyaaraan isku socodka dadka iyo badeecadaha.

Dad badan oo ku nool dalka ayaa doonyaha u isticmaala safarrada maadaama ay yihiin habka ugu jaban ee gaadiid, gaar ahaan meelaha ay ka liitaan waddooyinka iyo kaabayaasha kale ee gaadiidka.

doonyaha qaarkood ayaa la sheegay inay qaadaan rakaab iyo xamuul ka badan awooddooda, iyadoo qalabka badbaadada sida jaakadaha dabaasha aanu mar walba ku filnayn dadka saaran.

Musiibadan ayaa sidoo kale dhacday xilli wax ka yar hal bil uu ka soo wareegay shil kale oo ka dhacay isla marinka Kigoma iyo Kalemie, waxaana 28-kii Agoosto, markabka MV Pacifique uu dab qabsaday kadibna ku qarxay dekedda Kigoma xilli shidaal lagu shubayey.

Sida uu sheegay Radio Okapi, lix shaqaale ah ayaa ku dhintay dhacdadaas, halka qof toddobaad ahna la sheegay inuu weli maqan yahay.

Sidoo kale, bishii Luulyo, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay bartamaha DRC kaddib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen arday ka soo laabanayey imtixaannada dowladda ay degtay. Dhacdooyinkan isdaba jooga ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo badbaadada gaadiidka biyaha ee dalka.

Harada Tanganyika, oo ah mid ka mid ah harooyinka waaweyn ee Afrika, waxay muhiim u tahay isku socodka iyo ganacsiga dadka ku nool gobollada ku hareeraysan.