U bood dhigaalka

Midowga Afrika iyo Mareykanka oo Digniin Ka Soo Saaray Xiisadda Waqooyiga Itoobiya

Sebteembar 24, 2026

Midowga Afrika iyo Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda militari ee ka soo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya, iyagoo dhinacyada isku haya ugu baaqay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada milatari, muujiyaan is-xakameyn, isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal si looga hortago in xaaladdu isu beddesho dagaal ballaaran.

Xiisadda ayaa soo xoogeysatay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xoogagga Tigray ay la wareegeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Tigray, gaar ahaan Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo sidoo kale la soo sheegay isku-dhacyo ka dhacay deegaanno ka tirsan Tigray iyo gobolka Canfarta.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda, isla markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadal toos ah oo lagu fulinayo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay bishii November 2022, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii muddada dheer ka socday gobolka Tigray.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in shaqaale federaal ah la xiray iyo in hakad ku yimid duullimaadyadii rayidka ee qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka. Ururku wuxuu dalalka deriska la ah Itoobiya ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii ballaarin karta colaadda, isla markaana ay taageeraan dadaallada lagu dejinayo xaaladda.

Dhinaca Mareykanka, Safiirka Washington u qaabilsan Itoobiya, Ervin Massinga, ayaa TPLF ku eedeeyay inay bilowday duullaan ballaaran, isagoo sheegay in dagaal cusub uusan xal u noqon karin khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Safiirku wuxuu sidoo kale uga digay kooxaha kale inay ku biiraan colaadda, wuxuuna sheegay in Mareykanku qaadi karo tallaabooyin cunaqabateyn ah oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha ama dhinacyada lagu eedeeyo inay sii hurinayaan dagaalka.

Dhanka kale, dagaallo ayaa laga soo sheegay agagaarka magaalooyinka Abala iyo Erebti ee gobolka Canfarta, kuwaas oo ku dhow xadka Tigray, halka warar kale ay tilmaamayaan in isku-dhacyo ay ka dhaceen qaybo ka mid ah gobolka Amxaarada.

Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta ku saabsan baaxadda dagaallada, khasaaraha dhimasho iyo dhaawac iyo xaaladda dhabta ah ee goobaha lagu dagaallamayo weli si madax-bannaan looma xaqiijin, TPLF-na weli kama aysan bixin jawaab faahfaahsan oo ku saabsan dhammaan eedaha loo jeediyay.

Xiisadda cusub ayaa dib u soo nooleysay walaaca laga qabo in heshiiskii Pretoria ee 2022 uu wajaho caqabado cusub, xilli ay weli jiraan khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dhinacyada Tigray.