Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in iska horimaadyo hubeysan ay ka dhaceen gobolka Canfarta (Afar), halkaas oo ay isku dhaceen ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno lala xiriirinayo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP, laba ilo oo ka tirsan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada ayaa xaqiijiyay in dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ku dhow xuduudda u dhexeysa gobollada Tigray iyo Canfarta.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xaaladda amni ee deegaanka ay aad u kacsan tahay, iyadoo weli ay socoto isku-dayga lagu xaqiijinayo baaxadda iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada.
Iskahorimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee ka dhex jira dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.
Xiisadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu-socodka iyo duullimaadyada gobolka, kaddib markii Ethiopian Airlines ay hakisay duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo shirkaddu sheegtay inay tallaabadaas u qaadday sababo la xiriira xaaladda ka jirta gobolka Tigray.
Dhinaca kale, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanno Tigray ah ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Mekelle, inkastoo xaaladda dhulka iyo cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobaha qaar ay weli tahay mid si degdeg ah isu beddeleysa.
Iskahorimaadyada cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Itoobiya ay dib ugu laabato dagaal ballaaran oo ka dhaca waqooyiga dalka.
Tigray ayaa horey u martay dagaal culus oo socday intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran, waxaana dagaalkaas lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo la gaaray November 2022.
Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaallada cusub ee gobolka Canfarta, iyadoo sidoo kale aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin baaxadda dagaallada iyo haddii ay gaareen deegaanno kale.
Xaaladda gobolka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka ay qaadi doonaan dowladda Itoobiya iyo hoggaanka Tigray, iyadoo wararka cusub ee kasoo baxaya goobaha dagaalladu ka socdaan ay weli soo baxayaan.