Pakistan ayaa heshiis cusub oo dhinaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah la gashay shirkadda Maraykanka ee Powerus, taas oo ay maal-gashadaan Eric Trump iyo Donald Trump Jr, oo ah labada wiil ee waaweyn ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Heshiiskan ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira xiriirka shirkaddu la leedahay Hindiya, oo ah dal ay Pakistan xafiiltamaan, iyo sidoo kale xiriirrada qaar ka mid ah madaxda shirkadda ee Israa’iil.
Heshiiska ayaa yimid kadib markii wafdi ka socday Powerus iyo safaaradda Maraykanka uu 16-kii Sebtembar kula kulmay Field Marshal Asim Munir, madaxa ciidamada Pakistan, xarunta militariga ee magaalada Rawalpindi.
Maalintii xigtay, Powerus waxay shaacisay inay heshay amar xaddidan oo wax-iibsi ah oo ka yimid Wasaaradda Difaaca Pakistan, kaas oo ku saabsan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Qiimaha heshiiska iyo nooca ama tirada drones-ka Pakistan iibsanayso lama shaacin, balse Powerus ayaa sheegtay in heshiiska is-afgaradku uusan ahayn heshiis kama-dambeys ah oo khasab ka dhigaya in Pakistan wax ka iibsato shirkadda, balse uu yahay qaab-dhismeed ay labada dhinac mustaqbalka uga wada shaqeyn karaan arrimaha difaaca, waxaana heshiisyada noocan ah ku dabaqi doona shuruucda Maraykanka iyo oggolaanshaha dowladda.
heshiiskan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa kadib markii la ogaaday in Powerus ay dhowaan heshiis kale la gashay shirkad Hindi ah, waxaana bishii Juun 2026, shirkadda Paras Defence and Space Technologies ee Hindiya ay sheegtay in Powerus ay siisay ruqsad gaar ah oo ay Hindiya ugu soo saarto uguna iibiso teknoolojiyadda Guardian-1, oo ah drone loogu talagalay inuu qabto ama burburiyo drones kale.
Arrintan ayaa su’aalo ka dhalisay sida shirkad isku mid ahi ula macaamili karto laba dal oo xiriirkoodu xasaasi yahay.
Hindiya iyo Pakistan ayaa muddo dheer ku jiray loollan amni iyo milatari, iyadoo labada dal ay dagaallo hore u galeen, isla markaana ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin gobolka Kashmir.