Itoobiya, Jabuuti iyo shirkadda Dangote Group ee uu leeyahay ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote ayaa qorsheynaya in ay si wadajir ah u dhisaan dhuun shidaal oo qiimaheedu gaarayo 660 milyan oo doollar, taas oo isku xiri doonta labada dal, iyadoo mashruucan lagu doonayo in lagu xoojiyo sahayda shidaalka, lana yareeyo kharashaadka iyo dib-u-dhacyada ka dhasha gaadiidka shidaalka ee mara marinka ganacsi ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Sida ay sheegtay Reuters, mashruuca ayaa ka koobnaan doona dhuun dhererkeedu yahay ku dhowaad 120 kiiloomitir, taas oo qaadi doonta shidaalka la sifeeyey ee u kala gudbaya Jabuuti iyo Itoobiya. Waxaa sidoo kale la dhisi doonaa xarumo waaweyn oo lagu kaydiyo shidaalka.
Jabuuti, gaar ahaan deegaanka Damerjog, waxaa laga qorsheeyay xarun kaydin oo qaadi karta ku dhowaad 375,000 mitir kuyuubik oo shidaal ah, halka Dewele ee Itoobiya laga dhisayo xarun kale oo awooddeedu gaareyso 800,000 mitir kuyuubik.
Mas’uul ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in mashruucan la filayo in uu shaqo bilaabo muddo ku dhow 18 bilood gudahood.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in mashruuca ay iska kaashanayaan Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group, isaga oo tilmaamay in ujeeddada ugu weyn ay tahay in la yareeyo kharashaadka saadka iyo dib-u-dhacyada ka dhasha gaadiidka shidaalka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti.
Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa si weyn ugu tiirsan Jabuuti, gaar ahaan dekedaha dalkaas, si ay u hesho badeecooyin muhiim ah oo dibadda laga keeno.
Shidaalka ayaa ka mid ah badeecooyinka ugu muhiimsan ee mara marinka Itoobiya iyo Jabuuti, sidaas darteed dhuun shidaal oo si toos ah labada dal u xiriirisa ayaa wax ka beddeli karta habka shidaalka loogu gudbiyo gudaha Itoobiya.
Dowladaha labada dal ayaa sidoo kale aaminsan in kaabayaasha cusub ay xoojin karaan ammaanka tamarta, isla markaana ay sare u qaadi karaan adkeysiga silsiladda sahayda.
Haddii mashruucu hirgalo, waxaa la filayaa in qayb ka mid ah gaadiidka shidaalka ee hadda ku tiirsan gaadiidka waddooyinka loo wareejiyo dhuunta, taas oo yareyn karta kharashaadka iyo waqtiga loo baahan yahay in shidaalka lagu gaarsiiyo suuqyada Itoobiya.
Mashruucan ayaa sidoo kale muujinaya sida uu Dangote Group u sii ballaarinayo maalgashigiisa Bariga Afrika, ayadoo Shirkadda ay horey Itoobiya uga wadday mashaariic kale oo waaweyn oo ku kacaya qiyaastii 4 bilyan oo doollar, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhuun loogu talagalay warshad bacrimin ah, xarun koronto iyo xarun soo saarta baakadaha polypropylene.
Dhanka Kenya, Dangote iyo dowladda dalkaas ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay toddobaadka soo socda dhagax-dhigaan mashruuc cusub oo ah warshad sifeysa saliidda ceyriinka ah, taas oo la qorsheeyay in laga dhiso Lamu, iyadoo awooddeedu noqon doonto 700,000 foosto maalintii.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay mashruuca dhuunta shidaalka xilli uu booqasho ku joogay Jabuuti, waxaana uu arrinta kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Aliko Dangote.
Mashruuca ayaa haddii uu hirgalo noqon kara mid muhiim u ah xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee Itoobiya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca tamarta, iyadoo Jabuuti ay sii xoojinayso doorkeeda ah marinka ugu muhiimsan ee Itoobiya u adeegsato ganacsiga iyo soo dejinta badeecooyinka.
Dhuuntan shidaalka ee 660-ka milyan ee doollar ah ayaa sidaas darteed noqonaysa mashruuc isku keenaya danaha saddex dhinac: Itoobiya oo raadineysa sahay shidaal oo la isku halleyn karo iyo kharashyo gaadiid oo hooseeya, Jabuuti oo doonaysa in ay sii xoojiso doorkeeda kaabayaasha iyo ganacsiga gobolka, iyo Dangote Group oo sii ballaarinaysa maalgashigeeda dhinacyada tamarta iyo warshadaha Afrika.