U bood dhigaalka

DEG-DEG: Sacuudi Carabiya oo diiday Codsiyo Israa’iil uga yimid oo ahaa in Diyaarado u soo diraan Rakaab Israa’iiliyiin ah

Oktoobar 1, 2026

Sacuudi Carabiya ayaa diiday dhowr codsi oo Israa’iil ay u dirtay, kuwaas oo ahaa in diyaarado Israa’iili ah loo oggolaado inay dalkaas ka soo qaadaan rakaab Israa’iiliyiin ah oo saarnaa diyaarad Flydubai ah oo si degdeg ah ugu degtay Sacuudiga, sida uu AFP u sheegay ilo Sacuudi ah oo xog ogaal u ah arrinta.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv, balse waxaa lagu qasbanaaday inay si degdeg ah ugu degto Tabuuk, kaddib markii kaaliyaha duuliyaha lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray duuliyaha, taasoo keentay in diyaaradda ay xaalad halis ah gasho. Rakaabkii ayaa farageliyay oo ka adkaaday kaaliyaha duuliyaha, waxaana diyaaradda si nabad ah loo dejiyay.

Sida ay sheegeen ilo amni, Israa’iil waxay diyaarinaysay inay dirto diyaarado militari oo C-130 Hercules ah si ay rakaabka uga soo qaadaan Sacuudiga, balse Riyadh ayaa diiday codsigaas.

Rakaabka ayaa ugu dambeyn lagu qaaday diyaarado kale oo Flydubai ah, si ay ugu sii gudbaan Israa’iil. Arrintan ayaa dhacday iyadoo Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed rasmi ah.