Sahayda saliidda cayriin ee Sacuudi Carabiya ayaa bishii Agoosto hoos ugu dhacday lix milyan oo foosto maalintii, taas oo ah heerkii ugu hooseeyey muddo ka badan 30 sano, sida lagu sheegay qiimayn cusub oo ay soo saartay Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA).
Tirada bishii Agoosto ayaa 2.3 milyan oo foosto maalintii ka yarayd sahaydii la diiwaangeliyey bishii Luulyo, ayadoo hoos-u-dhacani uu muujinayo culayska sii kordhaya ee saaran wax-soo-saarka iyo dhoofinta saliidda Sacuudiga, xilli ammaanka marinnada muhiimka ah ee gobolka uu sii xumaanayo.
IEA ayaa hoos-u-dhaca qayb ahaan la xiriirisay weerarrada lagu qaaday xarumaha tamarta, maraakiibta iyo waddooyinka shidaalka ee ku dhow Bab al-Mandab.
Weerarrada Xuutiyiinta iyo xiisadaha kale ee gobolka ayaa carqaladeeyey dhaqdhaqaaqa maraakiibta, iyagoo sare u qaaday khatarta iyo kharashaadka gaadiidka badda.
Sacuudi Carabiya ayaa OPEC u gudbisay tiro ka sarreysa qiimaynta IEA, iyadoo sheegtay inay suuqa siisay 7.122 milyan oo foosto maalintii, halka wax-soo-saarkeeduna ahaa 6.238 milyan.
Kala duwanaanshahan wuxuu ka dhashay hababka kala duwan ee loo cabbiro wax-soo-saarka iyo saliidda si dhab ah suuqa u gaarta.
Carqalad sii dheeraata oo ku timaadda dhoofinta saliidda Sacuudiga waxay sare u qaadi kartaa qiimaha shidaalka iyo kharashaadka maraakiibta caalamiga ah.
Bab al-Mandab ayaa ah marin muhiim u ah badeecadaha iyo tamarta isaga kala goosha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Soomaaliya waxay saameynta ka dareemi kartaa kororka qiimaha shidaalka, gaadiidka iyo badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, maadaama dhaqaalaha dalku si weyn ugu tiirsan yahay wax-soo-dejinta, hase yeeshee, weli lama xaqiijin koror gudaha Soomaaliya ka dhacay oo si toos ah loola xiriirin karo hoos-u-dhaca cusub ee sahayda Sacuudiga.