U bood dhigaalka

Mareykanka oo kordhiyay xayiraadda fiisaha madaxda Falastiin

Sebteembar 17, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa muddo kordhisay cunaqabateynta dhanka fiisaha ah ee lagu soo rogay mas’uuliyiinta Maamulka Falastiin (PA) iyo xubno ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), taas oo ka hor istaageysa qaar ka mid ah madaxda Falastiin inay u safraan magaalada New York xilli uu soo dhowaanayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Go’aanka ayaa si gaar ah u saameynaya Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas, kaas oo sannadkii labaad oo xiriir ah laga hor istaagayo inuu dalka Mareykanka u safro si uu uga qeyb galo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadan loo sababeeyay waxa ay ku tilmaantay dib-u-habeyn la’aanta Maamulka Falastiin, iyadoo sidoo kale ku eedeysay PA iyo PLO inay qaadeen tallaabooyin Washington u aragto kuwo wiiqaya fursadaha nabadda.

Mareykanka ayaa si gaar ah u sheegay in Maamulka Falastiin uu ku xadgudbay shuruucda Mareykanka isagoo raadinaya aqoonsi caalami ah oo loo sameeyo dowlad Falastiin ah oo aan ku imaan wada-hadallo toos ah oo lala yeesho Israa’iil.

Washinton  waxay sidoo kale ku eedeysay PA inay murannadeeda Israa’iil u gudbisay maxkamadaha caalamiga ah iyo inay bixiso lacago ay Mareykanka iyo Israel ku tilmaamaan kuwo la siiyo dad loo xukumay weerarro iyo qoysaskooda.

Si kastaba ha ahaatee, xafiiska wakiillada Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa weli loo oggolaaday inuu sii shaqeeyo, iyadoo shaqaalaha caadiga ah ee xafiiska ay haystaan ka-dhaafitaan ku saleysan heshiiska xarunta Qaramada Midoobay, inkastoo mas’uuliyiin gaar ah laga mamnuucay inay galaan Mareykanka.

Mahmoud Abbas ayaa la filayay inuu khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay xoogga ku saaro dadaallada lagu doonayo aqoonsi caalami ah oo loo sameeyo dowlad Falastiin ah, iyo dib u soo nooleynta xalka labada dowladood.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowr dowladood oo reer Galbeed ah, oo ay ku jiraan Boqortooyada Midowday, Faransiiska iyo Kanada, ay bishan qaadeen tallaabooyin ku saabsan aqoonsiga dowladnimada Falastiin.