U bood dhigaalka

Sucuudiga oo qaar kamid ah magaalooyinkiisa ka hawlgeliyay nidaamka digniinta degdegga ah

Sebteembar 19, 2026

Boqortooyada Sucuudiga ayaa magaalada caasimadda ah ee Riyadh ka hawlgelisay nidaam digniin hore iyo seeriga xaaladaha degdegga ah, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.

Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sucuudiga ayaa xaqiijisay in nidaamka digniinta laga hawlgeliyay Riyadh, iyadoo dadka magaalada lagu wargeliyay xaaladda.

Hay’addu waxay markii dambe sheegtay in xaaladdu caadi ku soo noqotay, isla markaana aysan jirin wax khatar ah oo cusub oo ay shaacisay.

Hawlgelinta nidaamkan ayaa timid wax yar kadib hadal kasoo baxay afhayeenka militariga Xuutiyiinta, kaas oo sheegay in kooxdu ay fashilisay waxa uu ku tilmaamay “falal dambiyeed” oo ka dhacay magaalada Sanca.

Afhayeenku wuxuu falalkaasi ku eedeeyay Sucuudiga, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay ka jawaabi doonaan.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Xuutiyiintu ay weli gacanta ku hayaan qaybo badan oo Yemen ah, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo deegaannada ay ku nool yihiin inta badan shacabka Yemen.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay sheegeen in ciidamada Sucuudigu ay maalmihii lasoo dhaafay duqeymo ka fuliyeen deegaano ay kooxdu maamusho, iyagoo tirada duqeymaha ku sheegay boqollaal.

Wararka kasoo baxaya labada dhinac ayaa muujinaya in xaaladda amni ee gobolka ay sii adkaanayso, gaar ahaan meelaha ku dhow Badda Cas, halkaas oo xiisadaha militari ay saameyn ku yeelan karaan ammaanka magaalooyinka iyo isu-socodka maraakiibta.

Ilaa hadda, Sucuudigu ma uusan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta gaarka ah ee keentay hawlgelinta seeriga Riyadh, halka hay’adda Difaaca Madaniga ahi ay xaqiijisay in xaaladdu markii dambe caadi ahayd.