U bood dhigaalka

Mareykanka oo ka fiirsanaya in dib loo dhigo iibka hubka waaweyn ee Taiwan

Sebteembar 19, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay ka fiirsanayso in dib loo dhigo ku dhawaaqista heshiisyo waaweyn oo hub loogu iibinayo Taiwan, iyadoo go’aanka laga yaabo inuu dib uga dhaco shir-madaxeedka APEC ee bisha November lagu qabanayo Shenzhen, Shiinaha.


Arrintan waxaa markii hore werisay South China Morning Post, oo soo xigatay ilo xog-ogaal ah.

Warbixintu waxay sheegtay in dib-u-dhigista aysan ku ekaan karin shirka APEC oo keliya, balse ay suuragal tahay in Madaxweyne Donald Trump uu go’aanka ku sii riixo ilaa dhammaadka sannadka 2026.

Sababta loo xusay waxaa ka mid ah kulamada la qorsheeyay ee u dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo ay ku jiraan shirarka caalamiga ah ee dabayaaqada sannadka.

Taiwan ayaa muddo dheer ka iibsanaysay Mareykanka hub iyo qalab ciidan oo ay ugu talagashay xoojinta awooddeeda difaaca.

Washington waxay xiriirka difaaca Taiwan ku salaysaa heshiiska loo yaqaannoTaiwan Relations Act ee 1979, kaas oo oggolaanaya in Mareykanku siiyo Taiwan qalab ay isku difaacdo.

Si kastaba, Beijing waxay si joogto ah uga soo horjeeddaa iibka hubka Mareykanka ee Taiwan, iyadoo u aragta arrintaas faragelin ku saabsan waxa ay Shiinuhu u arkaan arrin gudaha ah.

Warbixinno hore oo sanadkan soo baxay ayaa muujinaya in Mareykanku horey u hakiyay ama dib u dhigay qaar ka mid ah iibka hubka Taiwan.

Bishii May, saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in xirmo hub oo qiimaheedu gaarayo ku dhowaad $14 bilyan la hakiyay, iyadoo sidoo kale la tilmaamay baahida loo qabo in la ilaaliyo kaydka hubka Mareykanka xilli uu socday dagaalka Iran.

Warbixinta cusub’se waxay arrinta ku xiriirinaysaa xisaabaha diblomaasiyadeed ee Washington iyo Beijing, iyadoo ilo ay sheegayaan in madaxda Shiinuhu ay si gaar ah uga codsadeen Mareykanka in aanu ku dhawaaqin iib hub oo cusub ka hor kulamada muhiimka ah ee Trump iyo Xi.