U bood dhigaalka

Toddobo kooxood oo hubeysan oo ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Abii Axmed

Sebteembar 21, 2026

Toddobo kooxood oo hubeysan oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin, xilli kooxahan ay horey uga dhexeeyeen khilaafaad iyo dagaallo, iyagoo sheegay inay doonayaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa dowladda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isla markaana loo dhisi lahaa dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.

Isbahaysigan oo loogu magac daray “Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival”, ama “Alliance for Survival”, ayaa lagu dhawaaqay Axaddii, iyadoo kooxuhu sheegeen inay doonayaan inay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan, ayna sameeyaan hannaan siyaasadeed oo cusub oo lagu soo afjaro colaadaha dalka ka socda.

Isbahaysiga waxaa ku jira Amhara Fano National Movement, oo ah isbahaysi ka kooban garabyada Fano ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda gobolka Amhara tan iyo 2023; Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo muddo dheer awood siyaasadeed ku lahayd Itoobiya, isla markaana dagaal weyn la gashay dowladda federaalka intii u dhexeysay 2020 iyo 2022; iyo Oromo Liberation Army (OLA) oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda qaybo ka mid ah gobolka Oromia tan iyo 2018.

Waxaa sidoo kale ku biiray ONLF, Ugugumo, iyo jamhado kale, ayadoo isbahaysigan cusubi uu xasaasi ka dhigaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya, gaar ahaan maadaama qaar ka mid ah kooxaha hadda isku dhinac noqday ay horey u ahaayeen dhinacyo iska soo horjeeday.

Fano, tusaale ahaan, waxay intii lagu jiray dagaalkii Tigray garab taagnayd ciidamada dowladda federaalka, iyadoo dagaalkaas oo socday 2020 ilaa 2022 uu sababay dhimasho aad u badan iyo barakac ballaaran.

Kooxaha isbahaysiga sameystay waxay dowladda Abiy Axmed ku eedeeyeen inay dalka ku maamusho waxa ay ku tilmaameen “xukun kali-talisnimo ah”, ayna Itoobiya u horseedayso kala qaybsanaan.

Dhankooda, waxay sheegeen in xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee ay doonayaan in la dhiso ay yeelan doonto hannaan lagu soo afjaro dagaallada, lagu ilaaliyo xuquuqda shacabka, laguna qabto wada-hadal qaran oo loo dhan yahay.

dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin ku dhawaaqista isbahaysigan, xilli  hoggaamiyeyaasha kooxahani ay sheegay in wada-hadallada lagu dhisayo isbahaysiga ay socdeen muddo ku dhow hal sano, taasoo muujinaysa in heshiiska cusub uusan ahayn tallaabo si lama filaan ah loo qaaday.

Ku dhawaaqista isbahaysiga ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay mar kale sare u kacayaan xiisadaha gobolka Tigray, ayadoo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022 ee soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo xoogaggii Tigray uu u muuqdo mid burbur qarka u saaran.