Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Dowladda Maraykanka inay dib uga fiirsato go’aanka ay ku diiday fiisooyinka mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Falastiin iyo xubno ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), kuwaas oo doonayay inay ka qaybgalaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay in mas’uuliyiinta Falastiin loo diido fiisooyinka sannadkii labaad oo xiriir ah, ayadoo Anouar El Anouni, oo ah afhayeenka adeegga diblomaasiyadda Midowga Yurub, uu sheegay in Washington looga baahan yahay inay dib u eegto go’aankaas, iyadoo Mareykanku yahay dalka martigelinaya xarunta Qaramada Midoobay.
Arrintan ayaa timid maalmo kadib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyey in Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas, uu khudbad ka jeediyo kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud isagoo adeegsanaya muuqaal horay loo duubay, maadaama uusan si toos ah ugu safri karin New York.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sidoo kale muujiyey inuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka, isagoo walaac ka muujiyey saameynta ay xayiraaddu ku yeelan karto awoodda Dowladda Falastiin ay si buuxda uga qaybqaadato hawlaha Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xayiraadaha fiisaha loo kordhiyey mas’uuliyiinta Maamulka Falastiin iyo xubnaha PLO, iyadoo Washington ku sababaysay waxa ay ku tilmaantay dib-u-habayn la’aan iyo tallaabooyin wax u dhimaya rajada nabadda.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku eedaysay Maamulka Falastiin inuu raadinayo aqoonsi caalami ah oo ku saabsan dawladnimada Falastiin isaga oo aan wada-xaajood toos ah la gelin Israel, iyo inuu arrimo la xiriira khilaafka Israel u gudbiyey maxkamadaha caalamiga ah.
Khudbadda Abbas ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay diiradda saarto aqoonsiga caalamiga ah ee Dawladda Falastiin, dadaallada xal laba-dowladood ah iyo xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladda Daanta Galbeed iyo ballaarinta degsiimooyinka Israel ee halkaas ka jira.
Midowga Yurub ayaa xilligan ku sugan New York iyadoo ay socdaan diyaar-garowga Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo dooddiisa heerka sare ay bilaabanayso 22-ka Sebtembar 2026.