U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka

Senatorrada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda magaalada Mudisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah:

1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

2. Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha.

3. Akhrinta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada

Senatorrada aqalka sare ayaa muddooyinkaan dambe meel marinayay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomalaya.

Goobjoog News