U bood dhigaalka

18 qof oo laga badbaadiyay Dabley ku afduubatay Paris

Luuliyo 13, 2015

Ilaa 18 qof ayaa goor dhaw laga badbaadiyay dabley ku afduubatay dukaan ku yaalo magaalada Paris ee Caasimadda faransiis-ka, sidaa waxaa sheegay Booliiska dalka faransiiska.

Lama xaqiijin ilaa iyo hadda in 18-kaas ay ku jiraan dableydii iyo in kale balse wararka waxaa ay sheegaan in Polis-ka ay gudaha u galeen dukaanka, hadana ay su’aalo weydiinayaa dadkii dukaanka kasoo baxay oo dhan.

Abaarihii 6:00 subaxnimo xiliga ayey koox dabley ah qabsadeen dukaan ku yaalo Villeneuve-la-Garenne,, waqooyiga Caasimadda faransiiska.