U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo u ambaxay Spain

Sheeko:War
DSC_0395
Was. Arr dibadda Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Ducaale Bayle maanta ka ambabaxay groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho isagoo ku wajahan Magalada Madrid ee caasimada dalka Spain.

Wasiirka ayaa inta uusan ka duulin Muqdisho waxa uu la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay in casuumaad gaar ah uu ka helay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Spain.

Wasiirka oo aan ka harin hadalkiisa ayaa geesta kale sheegay in dowladda Spain uu si gaar ah ugala hadli doono sidii ay dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd sugidda amaanka dalkan Soomaaliya.

Dalabka ku aadan in dowladda Spain ay ka gacan siiso dowladda federaalka Soomaaliya sugidda ammaanka ayaa ku soo aadaya xilli inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan magaladda Muqdisho ay ka dhacayeen falal ka dhan ah amniga.

Wararka Goobjoog news