U bood dhigaalka

Barakacayaal guryo loogu dhisay degmada Caabuduwaaq

Sheeko:War

Qoysas Barakacayaal ah oo ku nool degmada Caabuduwaaq ayaa ka faa’ideystay mashruuc guryo loogu dhisayay qoysaskaasi

Maamulka degmada Caabuduwaaq ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadkan baahi ay u qabeen helida Guryo ay ku noolaadaan.

Madaxa Arrimaha Bulshada Degmadaasi Khaliif Cabdi Samad Cali ayaa sheegay in wali ay jiraan caqabado haysta haysta Qoysaska dan yarta ee ku barakacay Degmada.

Khaliif Cabdi Samad Cali ayaa sheegay in 110 guri loo dhisay barakacayaasha, waxa uuna sidoo kale sheegay in dadka barakacayaasha eek u jira kaamamka ay u baahanyihiin gargaar dheeraad ah.

Ugu dambeyntii Madaxa Arrimaha Bulshada Degmadaasi ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay gargaar la soo gaarto danyarta ku tabaaleysan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabuduwaaq.