U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo baaq u diray AMISOM

Sheeko:War
RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada
RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada

Shirkan gaarka ah ee ay  Golaha Wasiirada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana looga hadlay Hindisaha Xakameynta Hubka sharci darrada ah, Tayeenta Waxbarashada dalka iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirada oo aroortii hore ee saakay bilowdey ayaa soo dhammaadey xilli dambe, go’aannadii ka soo baxay shirka golaha Wasiirada, ayaa waxaa Warbaahinta u faah-faahiyey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxaana uu sheegay in golaha Wasiirada ay ammaan iyo boggaadin u jeediyeen dhammaan Ciidammada Qalabka Sida oo  maalmihii la soo dhaafay qaadey tallaabooyin lagu dhabar jabiyey kooxaha nabad diidka, isagoo xusay in hay’adaha ammaanka la faray in ay sii xoojiyaan dadaalladaasi.

Sidoo kale golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si weyn uga doodey Hindise-sharciyeedka Xakeynta Hubka, kaa oo ay Wasaaradda Amniga Qaranka soo gudbisay, marka la eeggo muhiimadda Sharcigaasi, ayeey golaha Wasiiradu siiyeen waqti dheeraad ah oo ay uga doodaan, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Goluhu waxa uu warbixinno ka dhageystay guddiga loo xilsaaray Xaaladaha beni’aadannimo ee Soomaaliya ka jira waqtigani, iyadoo Xukuumaddu mar kale ay sheegtay in dalka ay ka taagan tahay xaalad dhanka Abaaraha, golaha wasiirada ayaa Howlgalka AMISOM ugu baaqay in ay ka jawaabaan baaqa Xukuumadda ee ku aaddan in ay fududeeyaan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa deegaannada ay  haraadiga ku yihiin xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa xusay in dadaal ku aaddan sidii Daryeel Caafmaad oo dibedda ah loogu qaadi lahaa Ilmo yar oo Soomaaliyeed oo  iyaga oo isku dheggan ku dhashay ay qorsheynayaan, islamarkaana ay socdaan dadaal arrintaasi ku saabsan, kaddib markii uu tilmaamay in mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo tan Haweenka ay arrintaasi dadaal badan ka geysteen.

Shirkan gaarka ahaa ee golaha wasiirada maanta isugu yimaadeen ayaa si gaar ah ahmiyad loo siiyey wax ka qabashada ammaanka oo natiijooyin fiican laga gaaray iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin ka hortagga abaaraha iyo u gar gaaridda Bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan.