U bood dhigaalka

Dooni Qaad u siday Kismaayo oo ku degtay Jasiirada Madhawaa

Sheeko:War

Hal qof ayaa ku geeriyootay    kadib markii dooni qaad (Jaad) siday   ay kula quustay Jaziirada Madhawa ee gobolka Jubada Hoose.

Doonidan oo siday qaad aad u fara  badan   ayaa ku sii jeeday magaalada Kismaayo , iyadoo uu  ka badbaaday shilkaasi  naakhuudihii doonida.

Shilkan ayaa yimid markii dabaylo xooggan  ku dhufteen Jaziiradaha ku yaala  Jubada Hoose.

Waa markii labaad  toddobaadkan gudihiisa uu shil caynkan ahka dhaco Jaziiradda Madhawa ee gobolka Jubadda Hoose

Wariyaha Goobjoog FM ee Gobolada Jubooyinka Muscuud Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in goobjoogayaal ka ag dhow goobta ay sheegeen in doonida ay gebi ahaan ku quustay badda.