Guddoomiyaha barlamaanka oo Kampala ku soo xiray shir u socday barlamaanka iyo hay’adaha taageera
Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Kampala ee caasimadda Yugandha ku soo xiray shir u socday Guddoonka barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha taageera barlamaanka Soomaaliya.
Shirkan oo muddo laba cisho ah ka socday hoteelka Emperial Royale ee Kampala waxaa ka qayb galay guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, xildhibaano ka tirsan
barlamaanka,agaasimeyaal ka tirsan barlamaanka iyo inta badan hay’adaha
taageera barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo kulankaasi markii uu soo geba gaboobay kadib faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay ayaa tilmaamay in si wayn la is kula eegay howlaha horyaala barlamaanka Federaalka Soomaaliya muddada labada sano ee soo socota iyo taageerada looga baahan yahay hay’adaha oo ah sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qabsoomida howlaha adag ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya hor yaala muddada labada sanno ee soo socota.
DHinaca kale Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay diyaarinta qorshe-howleedka barlamaanka, kalfadhiga 5aad ee soo socda, taasi oo haatan ay guddoonka barlamaanka si wayn ugu howlan yihiin dejinta istiraatiijiyad leh jadwal ay ku cad yihiin howlaha la qabanayo Kalfadhiga 5aad oo waqtiyeysan, iyadoo si gaar ah muhiimad loo siinayo in dalkan uu gaaro sanadka 2016ka yoolka la hiigsanayo.
—DHAMAAD—