U bood dhigaalka

Wasiirada oo caawa kulan deg deg ah ka yeeshay How-galka Badweynta Hindiya iyo Duqeynta Mareykan-ka ee Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Kulan deg deg ah uu shir gudoominayey R’aisul wasaaraha ayaa caawa fiidkii ka dhacay xafiiska Ra’isul wasaaraha ee caasimadda Muqdishu.

Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Soomaaliya Khaliif Ereg ayaa Saxaafadda uga waramay howl-galka Indian Ocean ee ka dhanka ah Al-shabaab, Ereg ayaa sheegay guulo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay how-galkaas, isagoo intaa raaciyay inay sii wadi doonaan.

Dhinaca kale Khaliif Ereg ayaa goobta ka sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay cafis u fidinayso shaqsiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee Xarakada kasoo goosta, Cafis-kaas ayuu intaa ku daray inuu ku eg yahay muddo 45 cisho ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali ayaa isna Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ogeyd sida uu hadalka u dhigay weerarkii iyo duqeyntii Mareykanka uu u geystay Al-shabaab.

Shirkan wasiirada ayaa imaanay xili uu madaxweynaha ku sugan yahay dalka Kenya, isagoo ka qeyb galay shir ay madaxda lix dal oo Afrikaan uga hadlayeen la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta iyo Xilli ay dowladda Mareykan-ka xalay duqeymo u geysatay Shir ay lahaayeen hogaamiyaasha Al-shabaab , tiiyoo  aan khaasaheeda la garaneyn.

Dowladda iyo Amisom ayaa 30-kii bishan bilaabay how-gal ka dhan ah Al-shabaab, how-galkan oo loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa ka soconaya Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan iyagoo qabsaday magaalooyin ay ka mid yihiin Buulu-Mareer iyo Kuntuwaarey oo Shabeelada Hoose iyo Halgan, Fiidow iyo Buurweyn oo Hiiraan ah.