U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka markii uu magaalada Nairobi uu kaga qayb galay shir looga hadlayay waxa reer galbeedku ugu yeeraan argagaxisada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha ay socdaal ku tegeen dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb galeen xafladdii caleemo saarka ahayd ee loo sameeyay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, islamarkaana ay Soomaaliya u hayd guul.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiga la socday ayaa waxa ay booqdeen xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Wafdiga Madaxweynaha ay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaga qeyb galeen kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada iyo sida wax looga qaban karo, kaasoo ay ka qeyb galeen ku dhawaad 20-Madaxweyne oo ka socda Qaaradda Afrika, Ra’iisul wasaarayaal iyo wakiilo ka kala socday beesha Caalamka, waxayna isku raaceen in si wada jir ah loola dagaalamo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalalka Turkiga iyo Kenya waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda labadaasi dal oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka saaxiibtinimada.