U bood dhigaalka

Abaanduulaha ciidanka Soomaaliya oo Jalalaqsi kula kulmay qeybaha bulshada

Sheeko:Dalka
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa faah faahiyay kulan uu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kula qaatay odayaasha degmadaasi.

Jeneral Cabdirisaaq Qaliif Cilmi oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayaa waxa uu ku sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay odayaasha iyo dhalinyarada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan nabada gobolka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka degmadaasi uu wanaagsan yahay isla markaasina ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM isaga oo shaaca ka qaaday inay jiraan rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo uu sheegay inay la soo xiriireen kuwaasi oo uu sheegay inay doonayaan in ay isu soo dhiibaan

Hoos ka dhageyso codka Abaanduulaha: