U bood dhigaalka

Mareykanka oo xaqiijiyey dilka hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane.

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka xafiiska Waaxda Arimaha Difaaca ayaa xaqiijisay maanta dilka Hogaamiha Al-Shabaab Axmed Godane, kadib duqeyntii isniinta loo geystay gaadiid ay la socdeen Hogaamiyaha Al-shaabaab Axmed Godane iyo rag kale.

Mareykanka ayaa warbixintooda ku sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay Afrika iyo Soomaaliya, isla markaana ay u mari-doonaan waddo walba oo xagga Siyaasad, Difaaca  iyo Basaasnimo ah sidii xog looga heli lahaa ama lagu dili lahaa Hogaamiyayaasha Al-shabaab.

Mareykanka ayaa intaa ku daray in arinkan ay guul u tahay sirdoonka Maraykanka oo muddo dheer baadi goobayay Hogaamiyaha  Alshabaab.

Xilli hore oo maanta ayaa  Afhayeen u hadlay dowladda beeniyay war ay baahisay Reuters oo lagu daabacay Bogga Facebook-ga ee R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegaya dilka Godane.

Axmed Godane ayaa ahaa Hogaamiyaha Al-shabaab ilaa 2008-deedii xiligaas oo ay weerar midkan oo kale ah Mareykanka ku dileen hogaamiyhihii hore ee Al-shabaab Aden Cayrow.