U bood dhigaalka

Xildhibaanno kala taageersan labada maamul ee koonfur galbeed oo Baydhabo ku qul-qulayo

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku sii qul-qulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Wafdi xildhibaanna ah ayaa gaaray magalada Baydhabo kaas oo ka dhigan wafdigii saddexaad oo magaaladaasi gaaro xili weli la isku mari la’yahay sameynta maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada ku qul qulaya magaalada ayaa la kala safan labada maamul ee iska soo horjeeda, taasoo adkeysay xaalada wada hadalada iyo dadaalada uu waday Gudoomiye Jawaari oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Baydhabo.

Xaalada siyaasadeed ee Baydhabo ayaa ah mid wali murugsan oo aan wax xal ah laga gaarin, iyadoo kulamo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka uu wali ku dadaalayo sidii la isku soo dhowaan lahaa, kala aragti duwanaanshaha jirtana loo mideyn lahaa.

Gudi farsamo oo Xukuumada u magacawday arrimaha dhameystirka maamulka saddexda gobol ayaa iyana ka wada magaalada qorshe ku aadan soo xulista ergada maamulka, kuwaasoo soo dooranaya Madaxweyne uu yeesho Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol.