U bood dhigaalka

Maamullada Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay geerida hogaamiyaha Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay guul weyn in laga gaaray dilka hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab oo diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay isniintii ku dileen gobolka Shabeellaha hoose sida ay shegeen.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.

Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay  soo dhoweynayaan dilkaasi.

“Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim  ahna waanu soo dhoweynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada kaabaya ee midowga Afrika dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa Al-shabab ku dartay liiska ururada argagixisada bishii February ee sanadkii 2008-dii, iyada oo markii dambana dul dhigtay madaxa Axmed Godane lacag gaareysa todobo malyuun oo dollar.