U bood dhigaalka

Gaashaandhiga Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay geerida hogaamiyihii Al-shabaab

Sheeko:Dalka

War ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in hogaamiyihii Al-shabaab uu ku dhintay weerarkii ay dayuurad nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) uu Maraykanku leeyahay ay la beegsatay Isniintii la soo dhaafay meel waqooyiga kaga beegan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warkan ayaa lagu sheegay in dhimashada hogaamiyaha ay guul taariikhi ah u tahay dagaalka lagula jiro xarakada Al-shabab iyo argagixisada geeska Afrika ee xiriirka la leh urur waynaha Al-qaacida.

Warkan waxaa lagu sheegay in arintan ay sidoo kale guul u tahay sanado badan oo sirdoonka Maraykanka ay ku daba jireen hogaamiyeyaasha argagixisada gobolka.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa intaasi ku dartay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada kaabaya ee midowga Afrika dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa Al-shabab ku dartay liiska ururada argagixisada bishii February ee sanadkii 2008-dii, iyada oo markii dambana dul dhigtay madaxa Axmed Godane lacag gaareysa todobo malyuun oo dollar.