U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Hay'ado carbeed oo gurmad ah ayaa dalka soo gaaraya mar dhow

Sheeko:Dalka
Mahad Salaad
Mahad Salaad

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dalka ay soo gaari doonaan hay’ado ka socda dalalka Jaamacada Carabta si ay ugu gurmadaan qoysaska abaaruhu ay ku haystaan guaha dalka gaar ahaan gobolada Koofureed.

Hadalkan waxaa sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Mahad Salaad oo intaa warkiisa ku daray in xukuumadu ay qaaday dadaal kasta oo gurmad ku gaarsiinayso Qoysaska ku taabalaysan gobolada abuuruhu ay ka jiraan.

Wasiir ku xigeenka waxa uu tilmaamay in ay jiraan dalal kale   oo diyaar u ah wax u qabashada qoysaskaasi.

Hoos ka dhageyso codka Mahad Salaad: