Madaxwayanaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo si isku mid ah u cambaareeyay qaraxii shalay
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxii shalay xarakada Al-shabaab ka geysteen deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.
Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.”
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isna si kulul u dhaleeceeyay qaraxa ismiidaaminta ahaa.
“Waxaan weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan kana hortagaan argagaxisada, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad iyo heshiis,” ayuu yiri R.W C/weli isagoo intaas ku daray: “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaas.”
Qaraxa ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20 qof oo shacab ah.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa. Waxa ayna tilmaameen in ay ku dileen afar ruux oo u dhashay dalka Maraykanka.