U bood dhigaalka

Cawaale Kullane oo khudbad ka jeediyay kulanka golaha ammaanka ee looga hadlay difaaca xaquuqda caruurta

Sheeko:Dalka

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa kulan isugu yimid September 8,2014, waxaana kulankan looga dooday difaaca xaquuqda caruurta, gaar ahaana ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka.

Kulankan ayaa waxaa dawladda Soomaaliya uga qeybgalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya New York ,Ergada joogtada ee Qaramada Midoobay mudane Cawaale Cali Kullane.

Mudane Cawaale oo kulanka ka jeediyay khudbad dheer ayaa ugu faah faahiyay xubnaha golaha ammaanka sida ay dawladda Soomaaliya u illaalineyso xaquuqda caruurta isla markaana ay uga fogaatay Askareynta caruurta aan da’da qaangaarka aheyn. isaga oo xusay in dawladda Soomaaliya ay kol hore saxiixday heshiiska difaaca xaquuqda caruurta.

“Dawladda Soomaaliyeed waxay dadaal dheer ugu jirtaa daryeelka caruurta, maadaama caruurta Soomaaliyeed ay yihiin mustaqbalkii dalka waxayna dawladdu ku howlan tahay diyaarinta shuruucdii iyo nidaamyadii kale ee lagu dhowri lahaa xaquuqda caruurta, waxaana jira qorshe cad oo Baarlamaanka laga ansixin doono kaasoo qeexaya difaaca iyo daryeelka xaquuqda caruurta” ayuu yiri Qunsul Cawaale.

Sidoo kale, Qunsulka ayaa xusay in Madaxweynaha Soomaaliya H.E. Xasan Sheekh Maxamuud ay ka go’antahay, isla markaana ay qaadaan talaabooyin cad cad oo lagu hirgelinayo qorsheyaasha (Action Plan) ee horay loo saxiixay waqtigii dawlada ku meel gaarka aheyd, si loo soo afjaro shaqo-qorista, iyo isticmaalka, caruurta iyo sidoo kale, sidii looga hortagi lahaa dilka iyo dhaawaca carruurta loo geysto.

“Dawladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la gaaro ujeedooyinka ka mid ah barnaamijka ka soo baxay golaha amaanka oo la dhaho Children not Soldiers” Caruurtu ciidan ma ahan” ayuu mar kale yiri Cawaale Cali Kullane oo intaasi raaciyay in Dawlada Soomaaliya ay wado Olole ay kucirib tireyso ku shaqeysiga iyo Askareynta caruurta.

Sidoo kale, Qunsulka Soomaaliya u fadhiya New york waxa uu ka codsaday xubnaha golaha ammaanka in la helo taageero lagu horumarinayo geedi socodka siyaasada, iyo Dastuurka dalka, taasoo laga dhex helayo fursado la xariira difaaca iyo daryeelka xaquuqda caruurta, maadaama dalku uu ka soo kabanayo dagaalo sokeeye nidaam la’aan.

Ugu dambeyntiina Cawaale Kullane waxa uu yiri “Waxaan ogaanay in dagaal sokeeya, markuu dhaco ay markiiba wax yeelobaan tiirar muhiim ah, oo aysan ummadi ka maarmin kuwaas oo ah , Rajada shacabka, dhaqan dadka, qiyamka ummada , mabaadi’da umada, sharafta umada iyo karaamada ummada.

Lakiin maanta Soomaaliya waxay u taagan tahay bogsashada ummada, dib u noolaynta Ummada iyo dib u hagaajinta dhammaan tiirarka iyo qodobada asaasiga ah ay saameeyeen dagaaladii sokeeye, si caruurteena oo ah mustaqbalkeena, ay wixi dhacay khaladkooda u bartaan si aysan markale u dhicin, waxaan ku qasbanahay inaan caruurteena u shaqeyno si ay u helaan fursadaha ay istaahilaan, waxaana doonaynaa inaan, anaga iyo caruurteena Soomaaliyeed aan nalagu xasuusan dhibkii dhacay, laakiin nalagu xasuusto sida wanaagsan aan dhamaanteena aan uga soo kabaney.