U bood dhigaalka

Haween olole nadaafadeed ka bilaabay degmooyinka Hodan iyo Wadajir

Sheeko:Dalka
Cabdulqaadir Cali Kulane
Bidix: Cabdulqaadir Cali Kulane iyo Axmed Cabdulle Afrax, Sawir qaade: Kowthar Cabdiraxmaan

Haween ka kala socda degmooyhinka Hodon iyo Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay olole nadaafadeed oo ay isaga kaashanayaan qeybo ka mid ah degmooyinkaaasi.

Ololahan nadaafadeed oo saakay laga bilaabay degmooyinka Hodon iyo Wadajir ayaa waxaa haweenku ay ku hor mareen wadada dheer ee Ex-control Afgooye ilaa isgoyska Banaadir halkaasi oo qashinka laga nadiifinayay.

Guddoomiyeyaasha labada degmo oo soo gaaray halka uu ka bilowday ololaha nadaafadda ayaa waxa ay si isku mid ah u sheegeen in ay wadaan dadaalo lagu nadiifinayo degmooyinka Hodon iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa uga digay ganacsatada ku beec mushtara hareeraha wadooyin in ay ku shubaan qashin hareeraha wadooyinka degmada si buu yiri looga hor tago nadaafad xumo dhalin karta cuduro.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdulqaadir Cali Kulane ayaa isna dhankiisa ku booriyay bulshada degmada Hodan ka qeyb qaadashada ololaha nadaafadeed ee laga wado wadada dheer ee u dhxeysa Ex-control Afgooye ilaa isgoyska Banaadir