Qaramada midoobey oo soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka
Ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serour ayaa soo dhowaysay shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka bilowday Kismayo.
Shirka oo uu shalay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud u furay si rasmi ah ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guuliyii ka dhashay heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto 2013 iyo heshiiskii lagu saxiixay shirkii dib u heshiisinta Jubba saxiixaas oo ka dhacay Muqdisho bishii November 2013.
“Dadka iyo madaxda maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-u heshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri ku xigeenka ergayga gaarka ah Fatiha, furitaankii shirka.
“ Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan ka qayb galayaasha shirka in ay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka in ay ka soo baxaan qaraaro ay u wada dhanyihiin dhamaan dadka ay arrintu khusayso- sida haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, ayada oo aan loo eegaynin sida ay tahay xaladooda bulsho amaba dhaqaale waana in ay ka qayb qaataan habka nabad soo celinta iyo qaran dhiska guud ee ummadda Soomaaliya.
“Habkan dibu heshiisiinta ahi wuxuu kale oo uu muhiim u yahay sidii maamulka ku- meelgaarka ah ee Jubba uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor ugu qaadayo wacyigiisa ama awoodiisa wax qabad- waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo wax tar leh si horay loogu mariyo habka maamul dhisidda” ayay tiri.
Fatiha Serour waxay u mahad celisay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hogaamiyaha maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Madobe iyo maamulkiisa iyo dadka kale ee ka socday bulshada caalamka sida urur goboleedka IGAD, Japan, ururka midowga Yurub, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo suurta geliyay in uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta iyo taageerida ay taageerayaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku aadan nabad samaynta.