U bood dhigaalka

Xildhibaan Biibi oo ka hadashay wixii u qabsoomay guddoonka haweenka baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Biibi Khaliif Maxamed ayaa faahfaahin ka bixisay wixii u qabsoomay tan iyo markii la doortay oo hada laga joogo muddo labo bilood ah.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed oo ka qeyb gashay barnaamijka golaha shacabka ee ka baxa Goobjoog FM ayaa sheegtay in wax badan ay u qabsoomeen iyada oo tusaale u soo qaadatay shirar baarlamaanada Afrika oo ay uga qeyb gashay magaalooyinka Kigali, Nairobi iyo Kampala iyo mid ay uga qeyb gashay London.

Ujeedada ay u qabatay hogaanka haweenka baarlamaanka ayay ku sheegtay in ay ku han wayntahay in la helo tiradii loo ballan qaaday haweenka soomaaliyeed dhanka baarlamaanka oo hada aysan helin.

Guddoomiyaha haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Biibi Khaliif Maxamed ayaa sidoo kale u ballan qaaday haweenka Soomaaliyeed in ay u sameyn doonto kulamo dib u heshiisiineed si ay haweenka uga guul gaaraan siyaasada.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed: