U bood dhigaalka

Ismaaciil Hurre: Dhinacyada isku haya maamul goboleedyada dalka ha isku tanaasulaan

Sheeko:Dalka

Buubaa

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya maamul goboleedyada dalka in ay isu tanaasulaan.

Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibedda dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya mudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in xiisadaha siyaasadeed ee ka jira gobolada dalka qaarkood ay keeni karaan in qabaa’ilku ay ku dagaalamaan hogaanka maamul goboleedyada.

Waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in ay isu tanaasulaan dhinacyada uu ka dhexeeyo shirka ka soconaya magaalada Kismaayo isaga oo dhinaca kale sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay nidaamka shirka iyo natiijadiisaba guddi u saarto si shirka looga miro dhaliyo.

Ismaaciil hurre Bubaa ayaa tilmaamay in ay dowladda masuuliyad ka saaran tahay qancinta beelaha dhaliilsan shirka ka soconaya Kismaayo qaabka uu ku bilowday.

Kismaayo ayaa 16-kii bishan marti gelisay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo xilli qaar ka tirsan ergadii la filayay in ay ka qeyb galaan ay ka maqanyihiin.

Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo xubno ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa Muqdisho ka sheegay in shirka ka socda Kismaayo ay wataan hal dhinac.

Maamul goboleedyada looga dhawaaqay qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa abuuray xiisado adag oo sababay is qabqabsi iyo muran.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Daahir Cilmi uu la yeeshay Ismaaciil Hurre Buubaa: