U bood dhigaalka

Gaalkacyo:Maamulka Galmudug oo dhagax dhigay wado muhiim ah(Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dhagax dhigay wado laami ah oo dhex marta bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Waxaa ka qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Galmudug kuwaas oo ku dhiiri galiyay dadka ku nool magaaladaasi in ay ka qayb qaataan dib u dhiska wadooyinka magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Xasan Maxamuud Haybe ayaa hadalkan ka jeediyay wadadan la dhagax dhigay maanta.

Maamulka Galmudug ayaa ka arimiya koofurta Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso codka Xasan Maxamuud Haybe: